Dab xoog leh ayaa baabi’iyay qeybo ka mida Suuqa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Caasimadda Muqdisho, kadib markii Qarax Miino ay ku xireen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.
Goolaha la beegsaday ayaa kal ah Dhismooyinka SAFA iyo MARWA oo ah dhismooyin waaweyn oo ka mida suuq-weynaha Ceelasha Biyaha, waxaana xalay halkaasi laga maqlay Qaraxyo keenah inuu Dab xoog leh qabsado qeybahaasi oo markii dambe ku bas beelay Dabkii ka kacay.
Arrintan ayaa timid markii ciidamada dowladda ku qasbeen Ganacsatada Ceelasha Biyaha inay xirtaan Kaamerooyinka CCTV, waxaana arrintaas ka hor yimid Alshabaab oo degaankaasi howlgallo ka fulisa, iyadoo ku dhaqaaqday inay Miinooyin ku qarxiyaan.
Dabka baabi’iyay qeybihii Safa iyo Marwa ee Suuqa Ceelasha Biyaha ayaa kacay kadib Qaraxyo is xigay oo Alshabaab ku diyaariyeen gudaha Suuqa xilligii danbe ee xalay, waxaana la damiyay mar dambe.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ee maamulka K/Galbeed ayaa shaaciyay in Dabka ay ka danbeeyeen Alshabaab oo Miinooyin xalay ku xiray suuqa, haddana Dabkaasi la damiyay.
Ma jirin cid wax ku noqotay Dabka, balse waxaa ku hanti beelay Ganacsato fara badan iyo xarumihii ganacsiga ee ugu waaweynee Suuqa Ceelasha Biyaha, waxayna dadka degaanka ka cabanayaan inaan gurmad degdega loo fidin.