Qarax Miino ayaa saaka ka dhacay degaanka Daaru-Nimca ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood, Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo geystay dhimasho mas’uul ka tirsan degaanka.
Qaraxa waxaa ku dhintay xoghayihii degmadaasi Abuurkar Jawiin Caddow iyo sidoo kale Darawalkiisii oo ku geeriyooday qaraxa, waxaana la rumeysan yahay inay Miinada halkaasi dhigeen shalay markii ay weerarka ku galeen degaanka Daaru Nicma.
Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood Macallin Muxyiddiin Maxamuud Kulmiye ayaa sheegay in xoghayaha lala eegtay Miino jidka loo dhigay, isagoo ku dhex jiray isku xirka ciidanka, wuxuuna ku tilmaamay nin Tiir u ahaa degmada iyo dadka degmada.
Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa lagu dilay xoghayihii degmadaasi Abuurkar Jawiin Caddow, markii ay gaarigiisa ku qarxiyeen Miino.