Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhammaadka bishii hore ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa VOA u sheegay inay Al-Shabaab halkaasi soo weerareen maanta barqadii, ayna la wareegeen.
Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Geriley kadib weerarka al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaankaas kadib iska horimaad dhacay.
Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen inay qabsadeen saldhig ay deganaayeen ciidamdan KDF ee degaankaas muddada gacanta ku hayey.
Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM.
Geriley waxay ka mid ahayd lix saldhig oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta Midowga Afrika Kenya ee ATMIS ku wareejiyeen Ciidanka Jubbaland.
