Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay degaanada GalMudug ka bilaabeen gowraca dadka si ay cabsi ugu abuuraan gobolkaasi oo dagaal qaraar ah uga hor yimaadeen dadka degaanka.
Wararka ayaa sheegaya ka imaanaya degmada Xarardheere ay  Xarakada Al-shabaab ku gowraceen nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Macalin, iyadoo si xun loo gowracay kadibna meydkiisa bannaanka la dhigay si loo daawado.
Ninkan Odayga ee Alshabaab gowraceen ayaa ahaa oday caan ah oo si weyn looga yaqaanay degmada Xarardheere, waxayna arrintan ka danbeysay markii Alshabaab dagaal culus ay kala kulmeen maleeshiyo beeleed degaanka kasoo jeeda oo Alshabaab qasaare weyn u geystay.
Falkan oo dhacay xalay ayaa la sheegay in dadka Xarardheere saaka ku baraarugeen  arrintan naxdinta leh, waxaana Nabaddoon Nuur Macalin uu ahaa nin da’ weyn oo 70 sano ka sare maray. Calool xumo iyo murugo ayaa hareysay dadka Xararadheere.
Goobjooge.com