Alshabaab ayaa markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah weerar ku bilowday Gaari Qaraxyo sida ku qaaday saaka degaanka Goof Gaduud ee duleedka magaalada Baydhaba.
Taliye xigeenka qeybta 60-aad ee guutada 8-aad C/casiis Maxamed Cali ayaa sheegay in aroornimadii ay soo weerarreen Alshabaab, dagaalna culusna uu dhex maray, dibna ay u celiyeen, haddana ay ku sugan yihiin ciidmaad dowladda.
Taliyaha ayaa sheegay inay ilaa 15 Shabaab ah ku dileen dagaalka, 30 kalena ku dhaawaceen, halka dhinacooda ay ka dhaawacmeen 2 askari, wuxuuna beeniyay in sarkaal sare loooga dilay dagaalkii saaka ka dhacay Goof Gaduud Buurey.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dileen 6 askari, ayna ku dhaawacmeen 13 kale oo uu ku jiro sarkaal taliye Horin ah oo lagu magacaabo Cali Dheere, sidoo kalena ay la wreegeen degaanka Goof-gaduud.
Alshabaab ayaa 23-kii bishan weerar kula wreegtay Goof-gaduud, kadibna isaga baxdaym waxaana 24-kii dib ugu laabtay ciimaada dowladda iyo kuwa maamulka k/Galbeed.