Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madaafiic Hoobiyeyaal ah oo Saaka aroortii ku dhacay Xaafado ka mida Degmooyinka Boondheere & Xamarweyne, iyadoo lala raadinayey xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ilaa aar madfac ay ku habsadeen Guryaha dad rayid ah deganaayeen oo ku yaalla Xaafadda Casa Italia iyo agagaarka Isgoyska Wiilwaal.
Qof ku sugan Xaafadda Casa-italia ayaa Risaala u sheegay in ilaa Saddex ruux ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo gurigooda uu hoobiyaha ku dhacay. Waxaa ku dhintay 3 qof oo laba ka mida dhaawac lagu qaaday markii hore.
Xildhibaan Cali Ganey oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ayaa sheegay in hoobiye ku dhacay guri uu degnaayeen wiilkiisa iyo carruur uu dhalay ay ku dhinteen saddex qof oo labo kamid ah yihiin carruur, sidoo kalena ku dhaawacmeen afar qof kale uu ku jiro wiilkiisa.
Madaafiicda Saaka ku dhacay xaafadaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa geystay qasaarihii ugu badnaa ee dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana weli ka hadlin hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Alshabaab ayaa xoojisay weerarrada dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo Hoobiyeyaasha ay ku rideyso magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigan in xaaladda Amniga caasimadda ay kasii dareyso xilli dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh u muuqato inuu fashil kasoo wajahayo dhinaca Amniga.