Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar ay ciidamada dowladda kla wareegeen degaanka Xawaadley ee ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka SH/Dhexe.
War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay wehjliyaan kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.
Horjoogayaasha la dilay ayaa la sheegay inay ku baxsanayeen gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, kadib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen degaankaan, halka qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.
Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa: Maadeey Madoobe, Xamaali Kalombe iyo Mukhtaar Gabigoor.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa weli ka hadlin dagaalka Xawaadley, mana jirto cid xaqijisay qasaraha ka dhashay weerarka aya qaadeen ciidamada dowladda.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay isag baxeen Xawaadley intii aysan gaarin ciidamada dowladda, waxaana ka horeeyay diyaarado duqeeyay habeennimo oo dilay koox ka tirsan Alshabaab.
