Sunday, April 27, 2025

Alshabaab oo laga qabsaday Degaan muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa maamulka Galmudug iyo maleeshiyada degaanka ay la wareegeen deegaanka Qaayib ee hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada is kaashanaya oo watay Gaadiidka dagaal ayaa dhowr jiho ka galay weerarray degaanka Qaayib oo ahaa xarun muhiim ah u ah Al Shabaab, iyadoo muddo dheer ka talineysay degaankaasi.

Maleeshiyada AlShabaab ayaa la sheegay inay gubeen Ceelkii degaanka, ayna burburiyeen xarumihii Isgaarsiintamaamulka, inta aysan isaga bixin halkaasi, waxaan dagaal la’aan la wareegay ciidamada dowladda oo kuwa Galmudug.

Ad

In gacanta Alshabaab laga saaro Degaanka Qaayib, ayaa ka dhigan jug kale oo Alshabaab kasoo gaartay dagaallada lagu hayo ee ka socda Gobollada Galgaduud, Hiraan iyo Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON