Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday inay maalinta berito ay tahay soon, kadib markii ay sheegtay in la xaqiijiyey aragtida Bisha Ramadaan oo dad dhowr ah ay ka arkeen degaanada ay mamusho.
War kasoo baxay Qeyba Garsoorka Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in bisha Ramadaan lagu arkay deegaan lagu magacaabo Geela-Gub oo ku yaalla duleedka Tuulada Towfiiq ee Gobolka Shabeellada dhexe, sidoo kalena laguaarkay deegaanka Kayaan duleedka degmada Buurhakabo iyo deegaanka Labaatan-jiroow ee Gobolka Baay.
7 qof ayey sheegtay Alshabab oo ku jiraan culimo inay bisha indhahooda ku arkeen bisha, sidaasina loogu dhawaaqay in maalinta berito oo Sabti ah ay tahay maalinta koowaad bisha ee Ramadaan.
