Wednesday, December 4, 2024

Alshabaab oo Kenya ku eedeysay Duqeymo ka dhacay Degaano ka tirsan Jubadda Dhexe

Duqeymo ay geysteen Diyaarado dagaal ayaa maalmihii ugu danbeeay ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka J/Dhexe, siday. shaacisay Alshabaab.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay inay duqeymo culus ka geystay degmooyin katirsan gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya oo gebi ahaantiis ay maamusho Alshabaab.

Wararka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in duqeymo habeenkii labaad ay ku socdaan magaalooyinka Salagle iyo Saakow, iyagoo goobaha la duqeeyay ay ka mid tahay xarunta isgaarsiinta Hormuud ee degaanka Saakow, iyadoo qof uu ku dhaawacmay.

Ad

Sidoo kale waxay duqeynt waxyeelo kasoo gaartay guryo ay shacab leeyihiin, waxaana lasoo weriyay in degaanka Salagle ay ku dhinteen laba qof markii diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen halkaasi.

Duqeynta ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka J/Dhexe aya timid, kadib weerrro is daba joog ah oo Alshabaab ku qaadeen Gudaha Gobolka Waqooyi Bari oo lagu dilay ciidamo Kenyaan ah, iyadoo qaarxyo lala beegsaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON