Xarakada Alshabaab ayaa iclaamisay dagaal toos ah oo ay ka bilowday Gobolka Soomaalida ee W/Bari Kenya.
Farriin cod ah oo uu soo saaray Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayuu ku shaaciyey dagaalka Alshabaab dooneyso in Kenya looga xoreeyo Gobolkii la oran jiray NFD ee W/Bari Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaalida dalka Kenya.
“Iyadoo laga duulaayo walaaltinimada Islaamka iyo u nusreynta mustadcafiinta iyo soo celinta dhulalka islaamka ayay walaalihiin Xarakatu-Shabaab Al-Mujaahidiin idiin soo gurmadeen si ay dhulkiina idinku soo celiyaan, gaalada ku xidideysatayna uga xidido siibaan, si aad u xorowdaan, aayihiinana ugu madax -bannaanaataan..” ayuu ku yiri Sheekh Cali Dheere oo farriin toos ah u diray dadka ku nool W/Bari.
Afhayeenka Alshabaab ayaa shaaciyey inay beegsan doonaan dhammaan Gaalada ku sugan Gobolka W/Bari ee Kenya nooc kastoo ay yihiin, marka laga reebo kuwa islaama, sida uu yiri, wuxuuna ugu baaqay dadka aan Soomaalida ahayn inay ka baxaan Gobolkaasi.
Waa markii ugu horeysay ee Alshabaab iclaamiso dagaal lagu xoreynayo Gobol W/Bari ee Kenya oo muddooyinkii danbe ay sii kordhisay howlgaladda ay ka fulineyso.