Wararka laga helayo magaalada Baydhaba, xarunta KMG ah ee Maamulka K/Galbeed ayaa sheegaya in Alshabaab ay go’doomintii ka qaaday magaaladaasi oo muddo ku dhow laba toddobaad xayiraad saarneyd.
Gaadiidkii Ganacsiga ee ku xayirnaa duleedka magaalada ayaa la sii daayey, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan in waan lala galay Alshabaab, balse la-taliyaha Madaxweynaha K/Galbeed ayaa beeniyay arritnaasi.
La- Taliyaha Madaxweynaha K/Galbeed Maxamed Shekh Cabdulaahi (Xaayow) ayaa shaaciyay in go’doomintii laga qaaday magaalada Baydhaba, wuxuuna beeniyay inay wax wadahadal galeen Madaxweyne Laftagareen iyo Alshabaab.
Gaadiidkii u xayirnaa Aolshabaab ee u rarnaa Ganacsatada Magaalada Baydhabo ayaa la fasxay, waxayna magaalada wajahday Xaalad adag oo maciishadeed.