Alshabaab ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay ka hor yimaadaan, kana hortgaan dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kadib warkii uu maanta soo saaray Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya oo digniin loogu jeediyay Ganacsatada inaysan la macaamilin Alshabaab ama tallaabo laga qaadi doonto, ayey Alshabaab jawaab degdeg kasoo saartay.
Alshabaab ayaa ku eedeysay dowladda Xasan Sheekh inay dooneyso inay banneysato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo marmarsiiyo ka dhiganeysa Alshabaab, si lagu bannaysto boobka hantida bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan ku dhiirigelinaynaa ganacsatada Soomaaliyeed inay hantidooda ka difaacdaan ‘Dowladda Xasan Sheekh’ ee doonaysa inay xoolahooda dhacaan, naftooda iyo cirdigoodana ku xadgudbaan” ayaa lagu yiri qoraalka jawaabta ah ee Alshabaab.
Ganacsatada ayaa dhexda u galay dagaalka Dowladda Federaalka iyo Alshabaab oo hadda la isku hayo dhinaca dhaqaalaha.
