Tuesday, April 30, 2024

Alshabaab oo Gabdho ka afduubtay degaan u dhow magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen degaan u dhow degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyagoo halkaasi ka adfuubtay laba gabdhood.

Falkan ayaa ka dhacay degaanka Ardo oo 40 KM dhinaca Bari uga beegan magaalada Cadaado, waxaan maleeshiyada Alshabaab ay xaley saqdii dhexe degaankaasi ka wateen laba gabdhood, sida ay sheegeen dadka degaankaasi ku dhaqan.

Gabadhaha ay maleeshiyada Alshabaab afduubteen ayaa lagu magacabaa Ayaan Macalin Cali iyo Bishaaro Qoorey Xodey, iyadoo qoysaska gabdhahaasi ay dadaal ugu jireen inay dib u helaan, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay falkan oo dadka degaankaasi ku cusub.

Ad

Degaanka Ardo ayaa waxaa marta wado xiriirisa Cadaado iyo Xaradheere, wuxuuna sidoo kale ku xiraa degmada Hobyo, waana degaan ay Alshabaab tagaan markii ay doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON