Alshabaab ayaa baahisay muuqaal hordhac ah oo ku saabsan Weerarkii Buulomareer, iyadoo uu kasoo muuqday Amiirka Alshabaab oo la sheegay inuu ballan ka qaaday maleeshiyadii weerarka qaaday, isaguna uu qeyb ka ahaa.
Weerarka ayaa lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada ATMIS ee ka soca dalka Uganda, waxaana sida uu qirtay Madaxweynaha Uganda lagu dilay 5 4 askari. Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku dishay 137, halka ay ku qabsatay maxaabiis aanay tiradooda sheegin.
Amiirka Alshabaab Axmed Abuu Cubeyda oo wejigiisa la qariyay ayaa kasoo muuqday muuqaalka ay baahisay Alshabaab, isagoo la dardaarmaya Maleeshiyadii loo diyaariyay weerarka Saldhiga Buulomareer, waxaana la sheegay inuu dagaalka qeyb ka ahaa.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa baahisay muuqaalka Sarkaal Gaashaanle ah oo lagu dilay weerarkii Buulomareer, magaca sarkaalka oo Madaxweynaha ugadna uu ku sheegay Gaashaanlle Edward Nyororo ayaa sawirka meydkiisa lasoo bandhigay.
Alshabaab ayaa sheegtay in taliyahan oo xukumi jiray Guutada Zulu ee ka howlgasha degaannada Buula Mareer, Golweyn iyo Baladul Amiin