Wednesday, March 19, 2025

Alshabaab oo Gaari Caafimaad iyo Dadkii la socday ka afduubtay Gudaha W/Bari, Kenya

Wararka laga Booliska Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay Afduub ka geysteen meel u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo qafaashay Gaari kuwa caafimaadka ah oo siday qof Bukaan ah.

Maleeshiyada oo lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa afar qof oo laba ka mida ay yihiin Darawal iyo Bukaan ka afduubtay Ceelwaaq, meel u dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa gaadmo ayey Alsahbaab ku qaadeen Gaari kuwa gargaarka ah ee Ambulance oo uu leeyahay maamulka Mandera, xilli qofka bukaanka ah loo waday isbitaal ku yaalla magaalada Mandheera.

Ad

Maleeshiyada looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Gaariga weerarray, una qafaashay dhinaca Soomaaliya, waxaana markaas kadib la waayey xiriirka dadka la afduubtay, iyadoo falkan uu dhacay Maqribkii Talaadadii shalay.

Dadka Alshabaab afduubatay ayaa waxay kala yihiin: Bukaan 40-sano jir ah oo lagu magacaabo Mowliid Cabdi, Darawalkii Gaariga Xasan Shacbaan, iyo laba shaqaale caafimaad ah oo ka tirsan Isbitalka Lafey Cabdirashid Billow Xuseen and Aadan Dhay.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu raadinayo dadkan, iyagoo bilaabay howlgal soo furasho ah, waxayna la xiriireen maamulka Ceelwaaq ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa hore weerarro ugu geystay gudaha dalka Kenya, waxayna afduubatay dad ay ka mid yihiin dhaqaatiir Cuba u dhashay oo ka shaqeynayey dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, balse kuma guuleysan inay ka hortagaan weerarrada Alshabaab ku gasho gudaha Gobolka Waqooyi Bari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON