Wednesday, April 23, 2025

Alshabaab oo Dil Toogasho ku fulisay Nin la sheegay inuu Aflagaado geystay

Maxkamadda Alshabaab ee Degaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta fulisay xukun Dil toogasho ah oo lagu qaaday laba nin oo dhalinyarro ah.

Dilkan oo ka dhacay fagaare ku yaalla Buq aqable ayaa lagu sheegay in labadan nin ay ka baxeen Diinta ISlaamka, iyadoo midkood la sheegay inuu aflagadeeyay Allaah Subxaanahu Watacaalaa.

Cabdi Cali Ibraahim 23 sano jir ah ayey Alshabaab sheegtay inuu Alle caayey, sidaasina uu qirtay, sidaasina dil toogasho ah loogu xukumay oo lagu fuliyay.

Ad

Ninka labaad ee toogashada lagu dilay degaanka Buqda ayaa ah Xassan Meeris Ibraahim oo 22 sano jir, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada macawiisleyda degmada Jalalaqsi oo hoostaga guddoomiye ku xigeenka Degamadaasi.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa la isugu keenay dadweyne badan oo u soo daawasho tegay fulinta xukunka dilka ah ee Alshabaab fulisay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON