Wednesday, February 19, 2025

Alshabaab oo Dil Toogasho ah ku fulisay Rag ay ku eedeeysay Basaasiin Mareykan ah

Alshabaab ayaa xukun Dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ay kusoo eedeysay inay u basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Mareykanka, kadib toogasho ka dhacday shalay Degaanka Buulo-fulaay ee Gobolka Sh/Hoose.

Dilka raggan oo loo cuskaday Diin-ka-bax ‘ Riddo’ ayaa waxaa riday Maxkamad Alshabaab, waxaana dilka lagu fuliyey Fagaarahala isugu keenay dadweynaha degaanka Buulo-fuulaay, waxaana goobta magacyada ragga la toogtay ka akhriyay Qaadiga Alshabaab.

Magacyada xubnaha la toogtay oo dhamaantood lagu eedeeyay inay la shaqeynayaan sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, waxay kala yihiin:

Ad

1- Cabdisalaan Muuse Xuseen oo loo yaqaan (Cabdisalaan Barafle) 44 sano jir ah

2- Muxammad Aweys Maxamed Nuur (Maxamed Sagaarey) 26 jir

3- Xasan Muuse Maxamed 33 sano jir 4

- Advertisement -

4- Aadan Nuur Aadan (Aadan Gaab) 21 jir

5- Cabdulqaadir Muxiyadiin Xaaji Iidow (Daadirey) 37 sano jir.

Alshabaab ayaa ku dooda in dhammaan dalka ay dilka ku fuliso ay qirteen Denbiyada lagu soo oogo, ayna ka dambeeyeen duqeymo Maraykanku ka gaystay degaanada Alshabaab ka taliso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON