Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay in degaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan oo 75 km dhinaca Galbeed ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay xalay halkaasi ku dileen afar qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen nabadoono deegaanka caan ka ahaa.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka afarta qof ee la dilay waxaa ka mida laba nabadoon oo caan ah, kuwaasoo kala ah:
Nabadoon Maxamuud Xaayow oo 75 jir ahaa
iyo Nabadoon Biriq Maxamuud Cabdulle oo 85 sano jir ahaa.
Sidoo kale waxay Alshabaab qoorta ka jartay  laba nin oo la sheegay inay dhalinyaro Ganacsato ahaayeen oo lagu kala magacaabo Cabdiwahaab Buurfuule iyo Ibraahim Nuur.
Dadka deegaanka ayaa dilkan ku eedeeyay Xarakada Al-Shabaab oo shalay barqadii qabsatay Ceel Cali kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa waxa ay xirxireen dad ka badan labaatan qof oo deegaanka ah lamana oga waxa ay ka yeeli doonaan.