Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in Galabta ay maleeshiyada Alshabaab weerar culus ku qaaday degaanka Goofgaduud oo ah saldhiga difaaca ciidanka militariga Dowlada Federaalka Soomaaliya ka ilaaliyaan magaalada Baydhaba.
Dagaal ulus oo dhex maray Ciidamada Milateriga iyo Al-Shabaab ayaa keenay qasaare kala duwan, waxayna xogta laga helay sheegeysaa ciidamada dowladda ay dagaal muddo kooban socday kadib isaga ka baxeen saldhigoodii Goofgaduud, iyadoo ay qabsadeen maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab.
Goof-gaduud oo marar badan Alshabaab weeraro ku qaadeen ayey inta badan isaga baxaan maalin ama saacado kadib, iyadoo markaas kadib ay dib ugu soo laabtaan ciidamada dowladda iyo kuwa K/Galbeed.
Taliska ciidmada dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalka gelinkii danbe ee maanta dhacay.
Dadka degaankaasi ayaa shegeay in Al-Shabaab ay gubeen Teendhooyinka ciidamada dowladda, ayna qaateen Agabkii halkaas yaallay.