Thursday, November 30, 2023

Alshabaab oo Dagaal culus ku qaaday Daaru-Nicma iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay dagaal culus maanta ku qaadeen degaanka Daaru-nimca.

Dagaalka oo ahaa mid toos ah ayey ku beegsadeen saldhigga ciidanka Daaru-nimca iyo gudaha degaanka, waxaana Qaraxa kadib dhacay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo  dadka degaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isla markaana uu ku sugan yahay Taliyaha ciidamada dhulka, iyagoo beeniyay inay Alshabaab qabsadeen Daaru-Nicma.

Ad

Dadka degaanka oo Alshabaab la dagaalamay ayaa gurmad ka helay degaanka kale ee Al-Kowthar, waxayna si xoog leh uga hortegaan Alshabaab oo ay qasaare gaarsiiyeen, dibna u celiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay fariisimihii ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka kaga sugnaayeen Daaru-nimca, ayna ka hortageen gurmad ka yimid Al-Kowthar.

- Advertisement -

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha dagaalka Daaru-nucma, waxaana dhacay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON