Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay Carrabka ka jareen gabar
ku nool degaanada u dhow degmadaasi oo dhibaatooyin ba’an ay ka wadaan, isla markaana ay dab qabadsiiyeen tuulooyin fara badan.
Falkan ayaa ka dhacay degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay Khamiistii isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya kadibna ay la wareegeen kooxda Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayuu ku eedeeyay in ay dadka ula dhaqmayaan sida in aysan degaanka wax ku lahayn oo kale oo ay dab qabadsiinayaan guryaha degaannadaasi.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ku cusub ciqaab ay Alshabaab kula kacaan dadka oo horeba ay u jireen kuwo naxdin leh.
Goobjooge.com