Wednesday, December 4, 2024

Alshabaab oo Caawa weerar ku qaaday Magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose & Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay caawa weerar ku qaadeen magaalada, iyagoo dhinaca xeebta ka weerarray.

Waxaa mar kaliya magaalada laga maqlay hubka culus iyo Baasukayaal, iyadoo uu dagaalku saameeyay xaafadaha Buulo bacaad iyo kawaanka Malaayga, sida ay sheegeen dadka degaanka waxaa dhacay qaraxyo waaweyn oo Alshabaab dagaalka ku bilaabeen, iyagoo beegsaday xarumaha ciidamada dowladda.

Iska hor imaadka labada dhinac oo ahaa mid culus ayaa socday muddo 20 daqiiqo ah, waxayna Alshabaab baasukayaal iyo hubka culus ku rideen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada, waxayna ciidamada dowladda ku jawaabeen rasaas culus.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ayaa markii dambe degtay, lamana soo sheegin wax qasaare ah oo dagaalka uu geystay. Ciidamada dowladda ayaan waa wax War ah kasoo saarin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON