Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa xilli dambe weerar ku qaaday oo burburisay Xarun ay shirkadda Safaricom ku lahayd degaan ka tirsan Mandheera, dalka Kenya.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaaka Olla, iyadoo Booliska Kenya uu sheegay inaysan wax qasaare ah kasoo gaarin dadka, balse waxay Alshabaab burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Safaricom oo qeyb ka mida la gubay, qeyb kale waxyeelo xoog leh gaartay sida Haantii biyaha degaankaasi.
Dadka degaanka aya sheegay in xilliga weerarka dhacay ay ay xarunta ku sugnaayeen laba askari oo kale oo goobta ka baxsaday. Waxaa kaloo la sjheegay inay Alshabaab weerareen saldhig ay booliska ku leeyihiin degaankaasi.
Alshabaab ayan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, waxayna xoojisay weerarrada ay ku qaadeyso dalka Kenya.