Sunday, April 27, 2025

Alshabaab oo baahisay Video-gii ugu dheeraa oo Dacaayad ah iyo sida looga fal-celiyay

Qeybta Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay Muuqaal si weyn loo diyaariyey oo ku saabsan Dugsi tababar cusub oo la furay iyo ciidamo boqllaal ah oo loo tababaray ururkaasi hoos taga Dhaqdhaqaaqa Al-qaacida.

Video-ga oo soconaya muddo saacad ah ayaa waxaa lagu tarjumay ilaa shan luuqadood (Somali, Ingiriisi, Carabi, Amxaari, Oromo, Sawaaxili iyo Faransiis), waxaana ciidamada iyo Akadeemiyada ay kasoo baxeen lagu magacaabay hoggaamiyihii Al-qaacida ee Usaama Bin Laden, iyadoo hoggaamiyeyaashii Al-qaacida ay dhex muuqdeen Muuqaalkaasi.

Muuqaalka Alshabaab, heerka tababarka iyo tirada ciidamada waxay dadka qaar ku dhaliyeen inay Al-Shabab sii kordhiyeen ciidamada ay qoranayaan, isla markaana khatar weyn ku soo wajan tahay dalalka gobolka oo dhan.

Ad

Waxaa si weyn looga falceliyay muuqaalka Alshabaab baahisay, waxaana dadka ka hadlay ka mida Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in muuqaalka uu caddeyn u yahay qarinta taag-darradooda.

“Waxaan daawaday qaar ka mid ah kooxda argagixisada ah oo sameynaya muuqaal dacaayad & buunbuunin. Waxay daliil u ah in ay daciifnimadooda ku qarinayaan filim si wanaagsan loo soo saaray. Waa ciidamada Qaranka kuwa Al-Shabaab ka dhigay dagaalyahanada dhinaca Hollywood-ka ah” ayuu Wasiir Fiqi ku yiri qoraalkiisa.

- Advertisement -

Faafinta muuqaalkan fudud, ee dacaayadda ah ee al-Shabaab ayaa u muuqda mid loogu talagalay in ay dagaalyahanno badan ka qortaan gobolka maadaama lagu turjumay toddoba luqadood oo ay ku jiraan Soomaali, Ingiriisi, Carabi; iyo si ka sii weyn – Amxaari, Oromo, Sawaaxili iyo Faransiis.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON