Saturday, March 15, 2025

Alshabaab oo baahisay muuqaalka weerarkii ay ku qaaday Saldhigga Mareykanka ee Manda-Bay, Kenya (Sawirro)

Qeybta Warbaahinta Alsahbaab ayaa baahisay muuqaal ku saabsan weerarkii Janaayo 2020 ay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Maraykanka ee Manda Bay, Kenya.

Alshabaab ayaa hore u baahisay sawirrada maleeshiyadii weerarkaasi qaaday iyo dalalka ay kasoo jeedaan, wuxuuna muuqaalkan si toos ah looga arkayaa qaraxyada ka dhacay saldhigga oo uuro madow iyo qiiq uu ka baxayo, iyadoo ay gubanayaan qaar ka mida diyaaradaha iyo gaadiidkii saldhigga ku sugnaa.

Waxaa xusid muran in maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday saldhiga Mareykanka ee dalka Kenya uu sagootiyay, lana dardaarmay amiirka Alshabaab Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), iyadoo muuqaalku soo bandhigayo meydadka askartii lagu dilay saldhigga Manda Bay.

Ad

SAWIRRO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON