Friday, March 14, 2025

Alshabaab oo 4 Shardi ku xirtay inay joojiso weerarada ay ku qaadeyso Mareykanka & Saldhigyadooda.. (Akhriso)

Ururka Alshabaab ayaa shuruuf ku xiray in ay joojiso weerarrada ah ku heyso Mareykanka iyo danihiisa, kadib bayaan kasoo baxay hoggaanka sare ee Alshabaab oo ku saabsanaa weerarkii Saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Bayaan lagu faafiyey luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga oo uu akhriyey afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage ayaa looga dalbaday dowlada Mareykanka haddii ay dooneyso inay ka badbaado weerarada Alshabaab, inay fuliso shuruudaha ay ka mid yihinin:

1- Inay joojiyaan dhammaan taageerada iyo tababarrada ay siiyaan maamulka Yahuudda.

Ad

2- Inay joojiyaan duqeymaha ka dhanka ah dumarka iyo caruurta Muslimiinta.

3- Inay ciidamadooda kala baxaan wadamada Muslimiinta.

4- Inay sii daayaan maxaabiista Muslimiinta ee sida xaq-darrada ah ugu xiran xabsiyadooda.

- Advertisement -

Shuruudaha Alshabaab u dirtay Mareykanka ayaa ka danbeeyay olole dagaal loogu magac daray “Magaalada Qudus”, kaasoo ay Alshabaab ku beegsaneyso Mareykanka, waxaana ugu horeeyay weerarkii Balidoogle iyo kii ugu dambeeyay ee saldhiga Manda Bay, wuxuuna jawaab u yahay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Yuhuudda ugu aqoonsaday inay leedahay magaalada Qudus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON