Alshabaab ayaa abaabul ku bilowday dadka kasoo jeeda Beesha Abgaal e ku nool degaanada ay ka heysto Gobollada SH/Dhexe iyo Galgaduud, kadib markii dhinaca dowladda ku dhaqaaqay abaabul culus oo dagaal.
Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisaykulan ay odayaasha beesha Abgaal ee tageersan ku degaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Sh/dhexe, iyagoo lagu soo bandhigay tiro ciidamo odayala u badan oo hubka u qaatay inay la dagaalmaan dowladda Ssoomaaliya iyo ciidamda ay abaabuleyso.
Imaamka ay Alshabaab duubatay ee Beesha Abgaal Maxamuud Xaaji Xaamud ayaa kulankaasi ka hadlay, isgoo sheegay inay iska difaacdo duullaanka dowladda Xasan Sheekh iyo ciidamada kusoo qaadayaan deegaannada ay beesha ee Sh/dhexe.
Wuxuu imaamkaasi habaar kala dul dhacay abaabulka dagaal ee ay wado dowladda Xasan Sheekh, wuxuuna ugu hanjabay inay ku leyn doonaan dagaal kasta oo ay soo qaadaan.
Arrintan ayaa timid, iyadoo abaabul dagaal uu ka scodo Gobolka Sh/Dhexe, isla markaana ciidamo ay hogaaminayaan saraakiil iyo xildhibaanno ay gaareen degmada Cadalle.




