Waxaa la filayaa inuu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug uu ka furmo shir ay leeyihiin Beelaha disay maamulka Galmudug, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.
Shirka waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiin, mas’uuliyiin, sarakiil iyo qeybaha bulshada ee Galmudug, waxaana dhowaan gaaray Dhuusamareeb xubno ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo sidoo kale sanataro iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Galmudug ayaa dhowaanahan waxaa hakaday dagaalkii ka socday Gobolka Galgaduud, waxaana mar kale la filayaa in shirka go’aan looga gaaro sidii Galmudug loog xoreyn lahaa Degaanada Galmudug oo 11 qabiil ay degaan.
Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu filayo bishaan Oktoobar gudaheeda inay dagaallada Alshabaab kawada bilowdaab Galgaduud, Mudug iyo Sh/Dhexe.
Gobolka SH/Dhexe ayaa howlgalladu ka bilowdeen, iyadoo ay ciidamada dowladda la wareegeen degaanka Xawaadley iyo degaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, balse waxaa maalmaha soo socda la filaya inuu furmo aagga Cadalle oo ciidamada laba jiho uga wajahan yihiin degmada Aadan Yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ku leedahay Sh/Dhexe.
Waxaa kaloo howlgal cusub ka bilowday aagga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan diyaar garow dagaal iyo howgallo bilow ah.
