Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen degaan u dhow magaalada Baydhaba.
Weerarka ayaa dhaliyay qasaare kala duwan, waxayna Taliska Ciidamada xoogga dalka sheegeen in dagaalka oo ka dhacay degaanka Makuude lagu dilau ilaa 14 ka mida Al-shabaab, qaar kalena lagu dhaawacay.
Degaanka Makuude ayaa 9 KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana saldhig ciidan ku leh ciidamada dowldda Federaalka.
Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab, isla markaana ay iska caabiyeen, iyadoo meydadka 4 ka mida Alshabaabka lagu dilay degaanka Makuude.
Dhinaca kale wararka la helay ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka Alshabaab, sida uu sheegay wasiirka Garsoorka K/Galbeed.
