Saturday, February 15, 2025

Alshabaab howlgal Qarsoodi ah ka waday Baydhaba oo la qabtay iyo Dad aan la fileyn oo ka mida..

Hay’adda NISA ayaa gacanta ku dhigtay kooxd shabakad isku xiran ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay howlgal amni darro ah qorsheynayeen.

Shabakadan maleeshiyada Alshabaab ka tirsan ayaa isu diyaarineysay inay falal weerarro ah ka fuliyaan magaalada Baydhaba oo ka mida magaalooyinka ay ka dhici doonto Doorashgada dalka, waxaana la sheegay inay fashiliyeen Hay’addaha Amniga.

Taliyaha Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in tirada maleeshiyada la qabtay ay gaareyso 12-qof, islamarkaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga, isla markaana cadaaladdana la horkeeni doono.

Ad

Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan, loona gudbiyey si loo xaqiijiyo.

Arrintan ayaa ku timid iskaashiga shacabka iyo ciidamada Amniga, waana shabakadii ugu weyneyd ee magaalada Baydhaba lagu qabto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON