Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhowaad 30 Alshabaab ah lagu dilay howlgal duqeyn ah ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, kaasoo oo dhacay meel u dhow degaanka Xuseen Cageey ee dhextaalka Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir, Gobolka Galgaduud.
Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, markii weerar lagu qaaday Goob la sheegay inay xubnaha Alshabaab ku qalanayeen Geel ay soo dhaceen iyagoo ka yimid Cowsweyne.
Taliyaha ururka 86-aad guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa sheegay inay ogaadeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab laga soo abaabulay aagga deegaanka Cowsweyne ayna si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ah ee lagu duqeeeyay.