Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay u gudbeen gudaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, maalmo yar kadib markii lasoo afjaray weerarkii koowaad oo ay Alshabaab ku gaareen degaanka Hulhul ee Gobolka Afdheer.
Maleeshiyada cusub ee Alshabaab ayaa markan ka gudbay Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan oo laga soo xigtay in tiro lagu qiyaasay 200 Alshabaab ah ka gudbeen Gobolka Hiiraan.
“Waxaa naloo sheegay markii aan Dadka waydiinay in ilaa 200 oo nin ay ku dhow yihiin tiro ahaan Alshabaab u gudbay dhinaca Itoobiya” ayuu yiri Cali Jeyte oo wareysi siiyey BBC Somali, wuxuuna sii raaciyey in Maamulkooda & Dowlad-Deegaanka Soomaalida wadajir ay ula dagaalami doonaan Al-Shabaab.
Ma jito wax war ah oo kasoo baxay Dowlad-Deegaanka Soomaalida & Al-Shabaab midna, waxayna haddii arrintan dhab noqoto noqoneysaa markii labaad ee Alshabaab gudaha u galaan degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab in maleeshiyadii Alshabaab ee ka tallowday Gobolka Hiiraan uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Liyuu Boolis ee degaanka Soomaaliya Itoobiya, iyadoo ay ku dagaalameen degaanka Feerfeer.
Alshabaab ayaa weli ku socota qorsheyaal ay dooneyso inay maleeshiyo iyo hub u gudbiso degaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo doonaya inay gaarto degaanka Oromada.
