Thursday, April 24, 2025

Alshabaab badan oo lagu laayey & Qaar lagu qabtay weerarkii Awdheegle. -Taliyaha Ciidamada Lugta-

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Alshabaab Saaka ku qaadeen Degmada Awdheegle oo dhowaan ay ka qabsadeen ciidamada dowladda, iyadoo qasaare xoog leh lasoo weriyey inuu halkaasi ka dhacay.

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Milatetiga Soomaaliya General Yuusuf Raage Odawaa ayaa sheegay in weerarka ay ka war qabeen ciidamada dowladd, wuxuuna intaas ku daray in degmada Owdheegle yaallaan meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Taliyaha oo ay soo xigatay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab lagu qabtay dagaalka saaka ka dhacay xarunta Aw-dheegle oo qaraxyo is-miidaamin ah ku bilowday, kadibna dagaal toos ah labada dhinac uu dhex maray.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay ilaa 50 askari oo ka tirsan ciiiamada dowladda ku dishay weerarka oo laba gaari oo is-miidaamiyeyaal ah ku galay saldhigga ciidamada dowladda.

Warar hore usoo baxay ayaa sheegay inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawa oo soo gaaray ciidamada dowladda, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay xaqiijiyeen in saddex ka tirsan ciidamada dawladda iyo suxufi u shaqaynayey idaacadda ciidamada dawladda Soomaaliya lagu dilay weerarka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON