Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab ay ku dileen degaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey xaley degaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada Dhexe oo u dhow xuduudka Gobolka Galgaduud, waxaana howlgalkaasi lagu dilay 67 ka mida Khawaarijta Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa in dagaal ka dhacay degaanka Ceel-Bacad lagu dilay ku dhowaad 70 Alshabaab ah, laguna dhaawacay tiro intaas ka badan.
Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka iyo sida wax u dhaceen, laakiin Taliyaha ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo Dagaal oo lagu baacsanayo kooxaha khawaarijta, isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan.