Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ‘Xoogga Dalka’ iyo Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa weerar ku qaaday Degaanka Ceel-dhuun oo hoos taga Goof-gaduud Buurey, gobolka Baay.
Weerarkan ayey Warbaahinta Dowladda Somaliya iyo tan maamulka K/Galbeed shaaciyeen in agu laayey maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo tiradoodu gaarayso 60-ruux.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in hawlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey. Goof-gaduud oo ay dhowaan qabsadeen Alshabaab ayey dib ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa k/Galbeed.
Dhinaca kle mas’uuliyiinta Maamul Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Duqayn culus lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaan u dhexeeya Waajid iyo Goofguduud.
Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab laga gubay Gaari iyo Bakhaar uu Hub ugu keydsanaa, iyadoo howlgalka lagu dilay horjoogayaal Ajaanib iyo Soomaali isugu jira.
Saaxiibada milateri ahaa u taageera dowladda Soomaaliya, siiba Mareyanka ayaan weli wax war ah kasoo saarin duqeynta ka dhacday degaanada ka tirsan K/Galbeed.