Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha ciidamada Mareykanka ay gaareen degmada Matabaan.
Maleeshiyo ku dhow 100 iyo gaadiid dagaal oo ay wataan ayaa dadka degaanka ku arkeen iyadoo ku sugan tuulada Madhooyo oo 25 KM u jirta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay halkaas uga dhuumanayaan duqeynta diyaaraadaha Mareykanka oo sii xoogeysatay muddooyinkii dambe.
Tuulada Madhooyo iyo degaanada la xiriira ayaa ah dhul keyn iyo buuro gaagaaban leh, waxayna ku wanaagsan tahay in la isku qariyo, iyadoo soo jiidatay dagaalamayaasha Alshabaab oo dhuumaaleysiga ku jira.
Kooxda Ahlu suna oo degaankaasi ku dhow ayaa ka war heshay dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Alshabaab ka wadaan degaanada hoos taga degmada Matabaan.