Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunno lagu ridday Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda oo ku eedeysanaa masuq-maasuq.
Raggan waxay ka kala tirsanayaanee Hay’;’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo la sii daayey Agaasimeyaal iyo xubno kale oo dembi lagu waayey.
Xukunnada Maxkamadda waxay kala yihiin:
XUBNAHA HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA
1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble: Agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.
2- Cumar Macallin Nuur: agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.
3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxii hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay 3 sanno iyo 6 bilood oo xarig ah
4- Aadan Maxamed Cabdi, maamilihii Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeyntii loo jeediyay, waana lasii daayey.
XUBNAHA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA
1- C/raxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ahaa Madax-Qeybeedka ruqsad siinta ajaaniibta Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ahaa Maqane ayaa lagu xukumay 9 sanno oo xarig ah iyo in laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed.
2- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo ahaa shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ahaa Maqale waxaa lagu waayay eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.
3- Cabdullahi Maxamed Cali oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu waayay eedihii loo jeediyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.
4- Maxamed Cadde Mukhtaar oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyaddiisa.
XUBNAHA WASAARADDA MAALIYADDA IYO BANKIGA DHEXE
1- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamuliHII xafiiska Canshuuraha Berriga ee wasaaradda maaliyadda qeybta Laanta Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu xukumay 8 sanno oo xabsi ah iyo in laga joojiyay qabashada xafiis Dowladeed.
2- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo ahaa khasnjiga qaybta dakhliyada ee Bankiga Dhexe, Laantiisa Garoonka Aadan Cadde waxaa loo celiyay xoriyadiisa, iyadoo lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay.
3- Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ahaa maamulihii Bangiga Dhexe, laanta Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.