Dowladda cusub e Itoobiya ayaa awood qeybsi ahaan Qowmiyadaha dalkaasi loo qeybiyay golaha wasiirada iyo xilalka kale ee dowladda, kadib guushii Xisbiga Isbaheysiga ee Barwaaqo oo uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Cali.
Soomaalida Itoobiya waxay xukuumadda cusub ka heleen hal wasiir iyo saddex wasiiru dowle, waxaana sidoo kale la siiyey xilal ka hooseeya, iyadoo si weyn loo saluugayo qeybta Soomaalida uusiiyey Abiy Ahmed.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA
1. Aadan Faarax (Wasiir – Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga talada haya)
2. Axmed Shide (Wasiirka Maaliyadda)
3. Prof. Cabdiwasac A. Bade (Wasiir – Xarunta Dhexe ee Xisbiga)
4. Saxarla Cabdullahi (Wasiir dowlaha – Caafimaadka)
5. Eng. Suldaan Wali (Wasiiru Dowlaha – Biyaha)
6. Mudane Xasan Macallin (Wasiiru Dowlaha – Ganacsiga iyo Xiriirka Geeska)
