Monday, February 17, 2025

Akhriso: Xogtii ugu cusleyd ee Mahad Salaad ka qoray Kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii la waayey

-

- Advertisement -

Agaasmihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay agaasimaha xilka ugu danbeeyay inuu ka danbeeyay abaabulka dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, isla markaana ay qeyb ku lahaayeen Ra’iisal wasaare Maxmaed Xuseen Rooble iyo Wasiir ku xigeen C/raxmaan Al-cadaalla.

Eedeyntan oo ka mid ahayd wareysi lala yeeshay Fahad Yaasiin ayuu si toos ah weerar ugu qaaday Mahad Salaad oo xilliga la waayey Ikraan Tahliil ahaa xildhibaan Golaha Shacabka, isagoo sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Mahad Karate oo ka tirsan madaxda Sare ee Alshabaab.

Haddana waxaan halkaan dib idinkugu xusuusineyaa halgankii dheeraa ee Xildhibaan Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin dhex maray, xilligas oo Mahad Salaad uu adeegsan jiray baraha bulshada.

Qormada soo socota waa ugu horeysay, uguna xasaasineyd ee xildhibaan Mahad Salaad ka qoray Kiiska Ikraan 22 July 2021, kadib muddo bil ku dhowaad ah markii uu falku dhacay:

- Advertisement -

Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!

Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!

Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!

Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylo-dhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan.

Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng. Yariisow oo xafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!

Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!

W/Q: Hon. Mahad Salad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa loo doortay, kuna guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis...

Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Dadka reer Falastiin laga rarro Marinka Gaza.Erdigan...

Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

Madaxweynaha cusub ee Somaliland  C/raxmaan Maxame C/llaahi (Cirro) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirrrada maamulkiisa oo guud ahaan ka kooban 28 Wasiir, wasiir ku...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul...

Mucaaradka Hubeysan oo la wareegay talada dalka Syria iyo Madaxweynihii oo baxsaday

Dowladii Syria ayaa burburtay aroornimadii saaka, kadib markii ay qabsadeen jabhadaha mucaaradka, isla markaana uu dalkaasi isaga cararray madaxweyne Bashaar Al-asad.Kooxda mucaaradka Suuriy ayaa...

Guddiga Doorashooyinka Qaran oo doortay Guddoomiye iyo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray

Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.Guddoomiyaha Guddiga ayey xubnaha si gacantaag...

Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xalay ay magacaabeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you