Wednesday, March 26, 2025

AKHRISO: Xildhibaannada Aqalka hoose ee lagu doortay Jowhar & Faarax C/qaadir oo soo laabtay

Wejiga koowaad ee doorashada xildhibaanda Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashada ka socota Jowhar oo la filayo in lagu doorto 13 kursi ayaan wax cusub kasoo bixin, iyadoo aan wax tartan ahi ka dhicin xarumaha doorashada ka socoto, kadib markii musharixiintii hore ay soo wada laabteen markii intooda badan loo  tanasulay oo aan loo baahan in cod la qaado.

Xildhibaanada soo laabtay waxaa ugu horeeya Faarax Sheekh C/qaadir, Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono, wasiir C/risaaq Cumar, iyo Safiir Sanbaloolshe.

Ad

Xildhibaanada la doortay iyo beelaha ay kasoo jeedaan waxay kala yihiin:

Kursiga Beesha Yaxar waxaa ku guuleysatay:

- Advertisement -

 Khadiijo Maxamed Diiriye

Kursiga Beesha Xawaadle-Cabdalle waxaa ku guuleystay: 

Maxamed Xasan Ibraahim Qoono

Kursiga beesha Reer Ow-Xasan, waxaa ku guuleystay: 

- Advertisement -

Faarax Sheekh C/qaadir

Kursiga Beesha Xawaadle Cali Madaxweyne waxaa ku soo baxay:

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 48 cod.

Kursiga Beesha Xawaadle -Ibraahim Ciise, waxaa ku guuleystay:

C/risaaq Cumar Maxamed

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON