Monday, February 10, 2025

AKHRISO: War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Baarlamanada ee Garowe [Erey ka mida Dastuurka oo la laalay]

War-murtiyeed ka kooban 17 qodob ayaa kasoo baxay shirka Baarlamaanada dowladda Federaalka iyo 4 maamul Goboleed oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Qodobadda kasoo baxay shirka waxaa ka mida in kulan wadajir ah lala yeesho deeq-biyaasha taageera golayaasha Baarlamaannada iyo dowlad goboleedya, iyadoo loogu baaqay in ay kordhiyaan dhaqaalaha ay soo mariyaan hay’adaha caalamiga ah ee kaalmeeya golayaashan.

Sidoo kale, golayaasha Baarlamaanada waxay xukuumadda Federaalka soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ugu baaqeen in ay derder geliyaan dhammaystirka arrimaha ka dhiman Federaaleynta dalka.

Ad

War-murtiyeedka shirka ayaa dhanka kale walaac loogu muujiyay, habacsanaan iyo khilaaf ay sheegeen in ay ku timid labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo shirku isku raacay in la xalliyo khilaafka u dhexeeya labada gole.

Gunaanadka war-murtiyeedka ayaa looga dhawaaqay in gebi ahaanba Dastuurka dalka ee dib u-habeyntu ku socoto laga saaro kalmadda “Sharci-dejin” ee loo adeegsado Baarlamanka, iyadoo la go’aamiyay in kalmadda loo beddelo “Xeer-dejin”.

Shirka Af-hayeennada golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo dowlad goboleed ee Garoowe ka qabsoomay, ayaa waxan lagu casumin Baarlamanka Galmudug oo la sheegay in khilaaf ka dhexeeyo, sidaasi darteedna dhinac la casumo la garan waayey.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

No photo description available.
Image may contain: text
Image may contain: text
Image may contain: text
Image may contain: 7 people
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, smiling, standing and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON