Tuesday, December 3, 2024

Akhriso: Taariikhda Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) 1965 – 2019

Guddoomiyihii Gobolka banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka Hamad General Hospital ee magaalada Doha, dalka Qatar, kadib dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax ka dhacay xarunta maamulka Gobolka banaadir 24 July 2019.

Eng, Yariisow oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya, wuxuu ahaa nin dowladeed iyo siyaasi howlkar ah oo ixtiraam, badana wuxuuna xilkii ugu danbeeyay ee Gobolka banaadir qabtay Janaayo 2018.

HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDIISA

Ad

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow waxa uu ku dhashay degmada Hodan ee gobolka Benaadir 16kii August 1965kii.

Waxbarashadiisa dugsifa Hoose, Dhexe iyo Sare waxa uu kaga baxay Banadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Umadda ee Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Shaqooyinkii uusoo qabtay

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003

- Advertisement -

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010

- Advertisement -

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar .

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUN

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON