Wednesday, February 19, 2025

AKHRISO: Somaliland iyo Khaatumo oo kala saxiixday Heshiis cusub oo ka kooban Shan Qodob

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleyr ayaa magaalada Ceynabo ku kala saxiixday heshiiska wadahadallo labada dhinac u soo socday labadii sano ee u dambeeyay oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Imaraatka, Hargeysa iyo Jabuuti.

War-murtiyeedka heshiiska ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen qoddobo ay kamid yihiin:

  • In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jirintaanka iyo danaha Somaliland.

Ad

Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr jeer booqasho ku tegay Somalialnd, halkaasi oo uu uga qeyb galay wadahadal u socday isaga iyo maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Khatumo ayaa horay uga soo horjeystay wadahadalada Cali Khaliif uu kula jiray Somaliland, waxaase ilaa iyo imika aan kala cadeyn sida heshiisyadaasi ay uga dhaqan geli doonaan deegaanada maamulka Khaatumo, maadaama ay jiraan dad iyagu saluugsan qaabka uu wax u wado Cali Khaliif Galleyr.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON