Saturday, January 25, 2025

AKHRISO: Sidee Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir loogu magacaabay C/raxmaan Yariisow..? [Qorshihii loo qariyey …]

Qormada 1-aad

21-kii Janaayo 2018 waxaa xilka guddoomiyaha G/Banaadir loo magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo markaas ahaa Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, waxayna arrintan ka danbeysay khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo Madaxtooyada.

Magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid ku timid si degdeg ah, waxaana laga dhex xulay saddex musharax oo markaas ay kala xusheen Ra’iisal Wasaaraha iyo Agaasimaha Madaxtooyada oo ah wehliyaan xubno yar ka mida golaha Wasiirada, waxaana loo arkay nin dhega-nugul oo rabitaankooda ku shaqeyn kara, taasoo ahayd tilmaanta kaliya ee lagu xushay.

Waxaa isla habeenkaasi dhacday in la qoro guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud iyadoo maamulkii Taabit uu kasoo noqday Hal guddoomiye ku xigeen oo maamulka cusub lagu soo daray.

Ad

Waxaa dhacday in musharixii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo (Axmed Washington-Maareeyaha Dekadda Muqdisho) laga tegay oo la qaatay rabitaankii Ra’iisal wasaaraha, taasoo ay ugu wacneyd madaxweynaha oo markaas aan Muqdisho joogin, kuna sugnaa degaanada Galmudug.

Qorshe loo qariyay kuna jirtay magacaabidda ayaa ahaa in mar qura la wada magacaabay maamulkii G/Banaadir oo dhan, halkii markii hore la magacaabi jiray Guddoomiyaha kadibna isagu uu soo xulan jiray ku xigeenadiisa iyo xoghayaha; waana tan keenay inay isku awood noqdaan oo uu markii danbe hoggaamin waayo, soona jeediyo in laga bedelo qaar ka mida guddoomiye ku xigeenada. [Akhri Warkan]

Sida wax u dhaceen habeenkii 21-ka Janaayo waxay caddeyn u tahay in Madaxweyne Farmaajo oo leh awoodda magacaabidda aanu rabitaankiisa ku imaan Guddoomiye Yariisow, isagoo kadibna aan isku dayin inuu xiriir fiican la yeesho Madaxweynaha iyo saaxiibadii oo uu ugu horeeyo ku xigeenkiisa arrimaha amniga.

- Advertisement -

LA SOCO QORMADA LABAAD oo aan ku faaqidi doono: hoggaanka Guddoomiye Yariisow iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka G/Banadir ee guddoomiyaha u yahay, iyadoo aan soo bandhigi doono Laba Garab & ka badan oo ay u kala qeybsan yihiin maamulka G/Banaadir.


 

AKHRISO HORDHACA QORMOOYINKA

FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

Madaxweyne Farmaajo oo Maamul cusub u magacaabay G/Banaadir [Akhriso Magacyada maamulka cusub]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON