Saturday, May 17, 2025

AKHRISO: Qodobka ugu Culus ee ku jira War-murtiyeedka madaxda Maamul Goboleedyada

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkii saddexda maalmood uga socday madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya magaalada Kismaayo waxaa ka mid ahaa qodob faragelin ku ah dowladda Federaalka iyo xukuumadda Soomaaliya.

Qodobka 14-aad ee War-murtiyeedka ayaa u qoran sidatan: 

Ad

Wuxuu ka hadlayaa in joojiyo howlihii ugu muhiimsanaa ee loo igmada dowladda Federaalka iyo xukuumadda Soomaaliya oo ah: Dib u eegista Dastuurka, taasoo ay ku xireen in marka hore heshiis laga gaaro arrimaha: Qeybsiga kheyraadka iyo awoodaha fulinta ee dalka.

Arrintan ayaa u muuqata in madaxda maamul goboleedyada ay curyaaminayaan shaqada xukuumadda Soomaaliya ay u igmadeen Baarlamaanka Fedreaalka ee metela dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxayna faragelin ku tahay shaqadii xukuumadda iyadoo dhinaca kale ay dhaliilayaan shaqada xukuumadda.

- Advertisement -

Baaqa ku saabsan in wadahadal dowladda Federaalka la gasho madaxda maamul goboleedyada tallaabo kasta oo ay qaadeyso waxay meesha ka saareysa awoodihii hay’adaha Dastuuriga ah sida labada aqal ee Baarlamaanka oo madaxda maamul goboleedyada ay ka horjeedaan sharciyada ay ansixiyaan.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON