Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa sameeyay muddo kororsi aan kaliya ahayn xil sii heyn ee ay ku yeelanayaan awood la mida Baarlamaan xilligiisa ku shaqeynaya, markii qodobbo ay guddoonka diyaarsadeen ku dhex qariyeen heshiiskii Doorashada Dadban ee 17-kii ay gaareen Madaxweynaha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.
Heshiiskan oo kulan wadajir ah labada Aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen 26-kii September 2020 (Ka Akhriso halkan); waxaa lagu soo dhex daran muddo iyo awood korrosi loo sameynayo Baarlamaanka 10-aad oo u muuqda inuu isu bedelayo Baarlamaanka 11-aad.
Afarta Qodob ee lagu daray Heshiiska Doorashada Dadban oo ka koobnaa 15, wuxuu qodobkiisa 3-aad u qornaa sida soo socota: “Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada sharciyadda jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee dowladda Federaalka; Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa Dastuuriga ah u dhammeystiran tahay ayaa xilka sii haynaya ila la dhaariyo xildhibaannada loo soo doortay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya….”

Baarlamaankii 9-aad markii uu arrintan xaliyey wuxuu ansixiyey Hindise sharciyeed wax ka bedelka qodobka 136-aad ee Dastuurka, wuxuuna arrinta xil sii heyta ku koobay qodobkan: “Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada jiritaanka hay’adaha Dawladda, sida ku cad Qodobka 60 (1) muddada xilhaynta Baarlamaanka Federaalka 9aad waa (4) sano, waxayse xilhayntiisa rasmiga ah ku eg tahay maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada Baarlamaanka 10aad ee Cusub”
Waxaa halkan ku cad in Baarlamaankii 9-aad aysan aanu u socon muddo kororsi, balse Baarlamaanka 11-aad uu doonayo muddo kororsi iyo inuu xilka sii hayo isagoo awoodiisi u dhammeystiran tahay, laakiin arinta dareenka leh ee xildhibaanno iyo dad badan ku baraarugin ayaa ah in qodobaddan halista ah la dhex geliyay heshiis weyn oo xaalad adag looga gudbayey iyo xilli ciriiri ah oo aan laga doodin.
Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo fadhigii Baarlamaanka maalintaas ka hadlay ayaa kashifay in arrintan muddo kororsi cad tahay, ayna ahayd in laga xishoodo, laakiin waxaa cad cidda ka danbeysay ee sidaas wax u maleegtay inay ahaayeen guddoonka Golaha Shacabka, lamase hubo inuu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare.
HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTII AAN KA QORNAY
