Sunday, March 23, 2025

AKHRISO: Qodobaddii looga hadlay shirkii wakiilada Beesha Caaalamka la yeesheen Lafta-gareen, Qoorqoor & Waare..?

Waxaa galabta Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dhacay shirar ay yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka iyo saddexda Madaxweyne ee Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3 la saxiixday Madaxweyne Farmaajo .

Kulamada oo qeyb ka ahaa cadaadiska ay Beesha Caalamka ku saareyso madaxda Soomaalida inay heshiis loo dhan yahay ka gaaraan Doorashada Dalka ayaa looga hadlay dhammeystirka Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb si loo helo heshiis loo dhan yahay, waxayna wakiilada Beesha caalamka si cad ugu sheegeen saddexda Madaxweyne inaysan caqabad ku noqon heshii guud oo aysan ku dhegin Heshiiskii Dhuusmareeb III.

Qoraal uu faafiyey Madaxweyne Qoorqoor wuxuu yiri: “Waxaan kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Midawga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden, IGAD, Midawga Afrika.Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sidii loo dhammeystiri lahaa is heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb[3] si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta”.

Ad

Dhinaca kulan casho sharaf ah oo caawa la filayay inuu Madaxweyne Farmaajo Madaxtooyada Soomaaliya ugu sameeyo shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada dalka ayaa baaqday, iyadoo la sheegay inay socdaan la-tashiyo hordhac ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON