Waxaa goor dhoweyd xarunta Villa Hargeysa ka furmay fadhiga Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka oo looga hadlayo Mooshin muddo kordhin ah iyo ku noqosho ‘Doorasho Qof iyo Cod’.
Mooshinka waxaa keenay 57 xildhibaan, waxaana akhriyey xildhibaano taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana bilaabatay dooda xildhibaannada oo inta ku sugan fadhiga ay u badan yihiin inay taageeraan.
Iyadoo ay socoto dooda Mooshinka ayaa la faafiyey sharci gaara oo jiheynaya Doorashooyinka Her Federaal, kaasoo hore u diyaarsanaa inta aan loo codeynin mooshinkaba.
Sharcigan gaarka ah ayaa qodobkiisa shanaad caddeynayaa: “Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada Doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax bannaan, muddo aan ka badneyn laba (2) sano oo ka bilaabata marka Madaxweynuhu saxiixo sharcigan”
HOOS KA AKHRISO SHARCIGA CUSUB