Golaha shacabka ayaa maanta u yeeray Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kadib markii ay mooshin ka keeneen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh ayaa loogu yeeray si su’aalo looga weydiiyo cambaareyn uu u jeediyay go’aankii Baarlamaanka ka hor imaansho ku ansixiyeen Qaraarka sugidda xil-haynta xubnaha Golaha shacabka, kuna diideen go’aankii Maxkamadda Sare.
Xubnaha Mooshinka wasiir Xoosh waxay kala yihiin:
Sharma’arke Saleebaan
Khalif Sheekh Cabdullahi
Mahad Maxamed Salaad
Cabdinasir Nuur
Zakariye Xuseen
Samiiro Xuseen.
iy xildhibaanno kale.
Wasiir Xoosh ayaa ah shaqsiyad fekerkiisa ka hadla oo aan tixgelin siinin xilka uu hayo, taasoo hadda ku keentay inay isku dhacaan Golaha Shacabka.
Goobjooge